Mombu the Culture Forum sponsored links

Go Back   Mombu the Culture Forum > Culture > Dambiyo dagaal ma ka dhaceen Darfur?
User Name
Password
REGISTER NOW! Mark Forums Read

sponsored links


Reply
 
1 27th February 14:58
pedro martori
External User
 
Posts: 1
Default Dambiyo dagaal ma ka dhaceen Darfur?



La taliyaha gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, Juan Mendes ayaa sheegey
in laga yaabo in dambiyada lidka ku ah aadamaha iyo dambiyada dagaalkuba
ay gaarsiisanayeen kuwa u dhacay heer weyn oo nidaamsan. Si kastaba ha
ahaatee, Mr Mendes wuu ku gaabsadey in amuurtaas loo fasiri karo xasuuq.
Mareykanku horey ayuu dilka ka dhacey Darfur ugu sheegey inuu yahey
xasuuq, waxana uu sheegey inuu ka xunyahey in waddamada kale aysan
raadkiisa qaadin.

Mr Mendes waxa uu sheegey oo kale, in dadaalada dowladda Sudan ee ay wax
kaga qabaneyso kuwa masuulka ka ah rabshaduhu ay yihiin kuwa sirgaxan
oon ku filneyn wixii laga rabey.

Mr Mendes waxa uu sheegey oo kale, in dadaalada dowladda Sudan ee ay wax
kaga qabaneyso kuwa masuulka ka ah rabshaduhu ay yihiin kuwa sirgaxan
oon ku filneyn wixii laga rabey.

Malaashiyada Janjaweed ee dowladda raacsan waxa lagu eedeeyaa iney
dileen kumanaan dadka maxaliga ah ee degan tuulooyinka, taasoo qeyb ka
ah olole lagula dagaalamayo fallaagada dowladda uga kacsan galbeedka
Sudan.

Louise Arbour

Madaxa Barnaamijka dhowrista Xuquuqda Adamaha ee QM, Louise Arbour ayaa
sheegtey in dowladda Sudan aysan garowsan xajmiga mashaakilka ka dhacey
Darfur ama dhibka ay leeyihiin talaabooyinka ay uga hortagtey kuwa
kacdoonka iyada ku haya.

In ka badan hal malyuun oo qof oo reer Darfur ah ayaa u qaxey xeryo
qaxooti. Madaxa barnaamijka Arimha Aadmino waxa ay haatan sheegeysaa in
dadkaas ay hadda ka cabsi qabaan ka soo bixista xeryahaas.

Waxa Ms Arbour ay sheegtey in qaxootigaasi aysan lug bannaanka soo dhigi
karin si ay u doontaan xaabo ay wax ku karsadaan iyagoo aan si run ah
uga cabsi qabin in la soo weeraro.

Madaxa Xuquuqda Aadamuhu waxay intaas ku dartey in dadka ku nool
xeryahaas qaxootigu aysan aaminsaneyn booliska maxaliga, waxana ay ku
baaqdey in boolis caalamiya halkaas la geeyo.

Waxa kale uu Ms Louise Arbour intaas ay ku dartey in sidoo kale tirada
korjooga yaasha Midowga Afrika halkaas ka jooga la kordhiyo islamarkaana
awood loo siiyo iney isha ku hayaan xadgudubyada adamaha ka dhan.
  Reply With Quote


  sponsored links


Reply


Thread Tools
Display Modes




Copyright © 2006 SmartyDevil.com - Dies Mies Jeschet Boenedoesef Douvema Enitemaus -
666